|
Dunidoo
dhan baa laga yaqaan daacadnimadooda,
Ammaanada kuwii daayacaa laga durkaayaaye,
Shacbigey daryeeleen ayaan cidina diidayne,
Dadku waxay u doorteenna waa daacad la hubaaye,
Naxariis dulqaad lagu daray dano ku gaareene,
Hebel baa wax loosoo diree doona magaciisa,
Dadku waxay jeclaadeen runtay ugu dadaaleene,
Doorkii la joogaba waxbay kala diraayaane,
Deg-deg bay u gaarsiinayaan meel la doonaba e’,
Istarliinku waa dahab Ginigaa daawashada fiican,
Dollar iyo Yuurow iyo Riyaal daabac lacageedka,
Dadka waxay u qaybshaan wixii loogu soo diro e,
Dumar iyo Ragguba waa hubaal inay duceyaane,
Dal kastoo ay joogaan shacbigu wuu ku diirsadaye,
Dahabshiil ayun buu qalqigu doonayaa weliye,
Dadweynahaa shaqada loo hayaa kamana daalaane,
Inay noo dadaalaan ayaan doonayaa weliye,
Daa,im waxaan baryaayaa inuu nabad u daayaye,
Dowga toosan iyo kheyrka waan ugu duceynaaye,
Dadaalkooda xoogga leh shacbigaa doonayo raba e,
Damaashaadka loo bagay ayaa loo dabaal dagaye,
Dal-jirkaan ahaan jiray haddaan idin dareensiiyo,
Halgankii kuwii naga dafiraa loogu dowgalaye,
Dooxii Hargeysiyo intii darafyadiisiiya,
Waa taan xornimo doonistii daafaceed galaye,
Imminkana dadkeennaan wixii dana u sheegaaye,
Danyar iyo masaakiin ayaad deeq u fidisaane,
Shabelle
Media Network, Somalia
Daawo
bogga sawirada abaaraha
|